Wax Ku Saabsan CCP

Shuraakada Daryeelka Bulshada (CCP), shuraako ka dhaxaysa Bay Cove iyo Vinfen, waa iskaashi ka dhexeeya kooxo daryeel oo takhasus badan kuwaas oo la shaqeeya Xubnaha MassHealth iyo bixiyeyaasha daryeelkooda caafimaad si loo dardargeliyo daryeel isku dhamaystiran. Isu Duwayaasha Daryeelkayagu waa khubaro ku xeeldheer adeegyada bulsheed ee ku salaysan waxayna ku xidhaan Xubnaha MassHealth daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah iyo ka habdhaqanka, iyaga oo u shaqaynaya sidii qaybta wacyigelinta iyo u adeegidda bulshada ee xafiiska PCP (Primary Care Provider).

Ku Saabsan LTSS

Shuraakada Daryeelka Adeegyada iyo Taageerooyinka Muddada Dheer (LTSS) waa iskaashi ka dhexeeya lix hay’adood oo bulshada ku salaysan kuwaas oo la shaqeeya kooxaha daryeelka sida kakan loo maamulay ee shuraakada ACO (Accountable Care Organizations) si loo dardargeliyo daryeelka isku dhamayska tiran ee Xubnaha MassHealth. Isu Duwayaashayada Daryeelku waxa ay ka barbar shaqeeyaan bixiyeyaasha daryeel ee kale, iyaga oo u shaqaynaya sidii khabiir ku xeeldheer adeegyada bulsheed ee bulshada ku salaysan isla markaana ah xidhiidh loo maro daryeelka aasaasiga ah.

Waxa aanu Sameyno

Ka barnaamij Shuraakada Bulshada ahaan oo ay maalgeliso MassHealth, waxa aanu kala shaqaynaa Xubnaha MassHealth horumarinta helida daryeel caafimaad anaga oo u marayna aqoonsiga iyo isku duwida adeegyada iyo taageerooyinka badan ee kala duwan ee ay u baahan yihiin. Waxa aanu la shaqaynaa bixiyeyaasha daryeelka caafimaad iyo adeegyada bulsheed ee kale si aanu isugu dubo ridno oo aanu isugu darno daryeelka dardargeliya caafimaadka iyo badqabka la dardargeliyey.

Cidda Aanu Nahay

Ka BH iyo LTSS CP ahaan, waxa aanu nahay iskaashi ka kooban lix hay’adood oo soo jireen ah, oo ku salaysan bulshada — Bay Cove, Boston Senior Home Care, Justice Resource Institute, Mystic Valley Elder Services, Somerville Cambridge Elder Services, iyo Vinfen. Kooxahayaga daryeelka takhasuska badani waxa ay ka kooban yihiin Shaqaale Bulsheed oo Leysan Haysta, Shaqaale Caafimaad oo Bulsheed, Kalkaaliyeyaal Caafimaad oo Diiwaangashan (RNs), iyo Hagayaal Sookabasho.

Halka aanu Ku Suganahay

LTSS CP gayagu waxa uu u adeegaa Xubnaha MassHealth ee aagga weyn ee Boston, iyo sidoo kale Malden. BH CP gayagu waxa uu u adeegaa Xubnaha MassHealth ee Massachusetts ka bari ee laga soo bilaabo Lowell iyo Lawrence illaa Fall River iyo Cape Cod. Aagayaga adeegga ee fidsani waxa uu dardargeliyaa la shaqanta aanu la leenahay 14 ACOyo iyo hawlahooga daryeelka aasaasiga ah.

Yaa Uqalma

Uqalmitaanka Daryeelka Shuraakada CCP iyo LTSS waxa go’aamiya tilmaamaha uqalmitaanka barnaamijka Shuraakada Bulshada ee MassHealth. Dhammaan xubnuhu waa inay yeeshaan kharash bixinta caymiska MassHealth (Medicaid) xubin kasta oo aan ka diiwaangashanayn barnaamijka ACCS ee DMH waa in sidoo kale laga diiwaangeliyaa caymiska ACO ee Medicaid.

Nala Soo Xidhiidh

Ma u hanweyn tahay inaad wax badan ogaato ama su’aal cayiman ma ku haysa maskaxda? Waxa aanu jeclaan lahayn inaanu kaa maqalno! Waxa aad nagala soo wici kartaa 617-878-2410. Waxa aan iimeyl nooga soo diri kartaa info@carepartnersma.org.

Shuraakooyinka Daryeelka CCP iyo LTSS ma aha barnaamijyo daryeel oo degdeg ah. Fadlan na sii saddex maalmaha shaqada ah si aanu uga soo jawaabno su’aashaada.

Ku Helitaanka Bartayada oo Dhamaystiran Luuqadda aad Doorbidayso

Si aad u turjunto bogagga kale ee websaytkayaga, ka gal biraawsarkaaga aad doorbidayso adeegyada turjumaadda.

Chrome

https://support.google.com/chrome/answer/173424

Edge

https://support.microsoft.com/en-us/microsoft-edge/use-microsoft-edge-in-another-language-4da8b5e0-11ce-7ea4-81d7-4e332eec551f

Firefox

https://support.mozilla.org/en-US/kb/use-firefox-another-language

Safari

https://support.apple.com/guide/safari/translate-a-webpage-beta-ibrw646b2ca2/mac